Sh Umal oo sheegay in Bishii Ramadaan laga arkay Kenya.[Daawo]

June 27, 2014 - Written by Editor

shumalNairobi:-Sh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya agaar ahaan magaaada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in dalka Kenya laga arkay bishii sidaas darteedna ay muslimiinta ku dhaqan Kenya ay maalinta beri ay tahay maalintii koowaad ee bisha Ramadaan. Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in bisha laga arkay Magaalada Siyool ee ku taal dalka Kenya ayna arkeenn labo oo meel isla jooga iyo qof kale oo kaligiisa meel jooga ka dib la dhaariyey sidaas darteedna ay muslimiinta ku nool Kenya ay caawa ku tukadeen salaadii taraawiixda Masaajidka Abu-bakar Al-Sadiiq oo uu imaam ka yahay Sh.Umal iyo Masjidka Al-hidaaya ee uu Sheekh ka yahay Sh.Shibli

Dalalka ilaa hadda laga arkay bisha ayaa waxaa ka mid ah Yeman, Turkiga , Kenya halka dalalka kala ah Sacuudiga, Qatar, Masar , Imaaraadka , Urdun , Kuwait, Cumaan iyo dalal badan oo muslimiin ah ayaa iyagu maalinta beri ah waxaa ay dhamaystiri doonaa bisha Shacbaan waxaan ay soomi doonaa maalinta Axad ah.

Hoos Ka Daawo Sh Maxamed Cabdi Umal oo sheegay in bisha laga arkay dalka Kenya

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online