Sideen ku qaabilnaa ugana faa,ideysanaa Bisha Ramadaan? W/Q Sh Abdirahman Ceeljaale

June 29, 2014 - Written by Editor

ramadanWaxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa qormo yar oo  ka hadleysa fadliga Bisha Ramadaan iyo sida aan uga faa,ideysan karno Ilaahay mahadii waxaa noo dhalatay bishii barakaysnayd ee ramadaan. Waxaan wax yar is xasuusineynaa sidii aan bishan uga faa’ideysan lahayn.

1-FADLIGA RAMADAANKA:

1-Waa tiir ka mid ah tiirarka islaamka

2-Qofkii sooma ramadaanka isago rumeysan , ajarna xisaabsanaya waxa loo dhaafayaa dembigiisii hore oo dhan

3-Qofkii sooma maalin Ilaahay dartii waxaa naarta laga fogeeyaa 70 sano.

4-Camalka bini’aadamka oo dhan isaga aya leh, Soonkase Alle ayaa leh oo si gaar ah uga abaalmarinaya.

5- Dadka sooma, jannada waxay ka galayaan albaab gaar ah (Rayyaan).

6- Soonku waa gaashaan (naarta ayuu gaashaan kaaga yahay).

7- Soonka iyo quraanku waa u shafaaco qaadayaan saaxiibkood qiyaamaha.

8- Qofka soom waxuu farxayaa markuu afaruyo iyo markuu rabbigii la kulmo.

9- Ramadaanku waa bishii quraanka la soo dejiyey

10- Qofka sooman ducadiisa waa la aqbalaa

  • Ramadaanka sideen ku qaabilnaa

1- Towbad (In Ilaahay aan u toobad keeno dhammaan dembiyada oo dhan).

2- Macaasida oo aan ka tagno dhammaanteed.

3-Quraanka oo aan akhrino waa bishii la soo dejiyey. Nebiga bisha ramadaan quraanka jabriil baa ku akhrin jirey. Ajarka uu helayo qofkii quraanka akhriya bal aan aragno. Quraanku waa 114 suurad 6236 aayad 340,740 xaraf. Xaraf walbana xasanat ayaa laguu qorayaa.

4-Salaada oo aan badino , jamaacadana ku tukuno. Taraawiixda.

5-Sadaqada oo aan la baxno, aadna u badino.

6- Xuska Ilaahay (adkaarta), siiba subaxii iyo galabtii

7- Istiqfaarta oo aan badino, waa bishii dembi dhaafka iyo naar xoreynta.

8- Qaraabada oo aan xiriirino, waxna tarno

9- Inaan isa saamaxno, qof kasta oo wax idin dhexmareen is cafiya.

10- Ducada oo aan badsano, qofka sooman ducadiisa waa la aqbalaa.

11-  Cumrada oo uu aado qofkii awooda.

12- Dadka sooman oo aan afurino. Qofkaad afuriso ajarka soonkiisa ayaad leedahay.

13- Habeenka leylatul qadriga oo aan raadino.

14-  Masaajidka oo aan u badano kuna ictikaafno.

15-  Afurka oo aan dedejino, suxuurtana aan dib u dhigno.

Walaalayaal haddii aan ramadaanka intaas ku qaabilno Ilaahay waxuu nagu darayaa kuwa naarta laga xorreeyo lagana aqbalo bisha ramadaan.

Waa inaan ku darno bixinta sakaatul fidriga, oo qofkii laga rabo 2.5kg bariis, bur iwm. Iyo Salaada ciid oo aan tukano.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu nagu daro kuwa soonkooda la aqbalo, naartana laga xorreeyo aammiin.

Abdirahman Hussein Ahmed
almanhal@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online