Wasiirrada arrimaha dibadda ee DFS iyo China oo kulmay

June 5, 2014 - Written by Editor

chinaBeijing:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda China H.E. Wang Yi waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga balaaran ee labada dal u dhaxeeya iyo fulinta mashaariic horumarin oo dowladda China ay ka hirgeliso dalka Soomaaliya , kuwaasi oo qeyb ka ahaa balan-qaadyo Xukuumadda Beijing ay hore u sameysay. Kulankani oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda China ee Magaalada Beijing ee caasimada dalkaasi , ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha ammaanka , siyaasadda iyo ganacsiga .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa uga sheekeeyay dhiggiisa China , horumarada amni ee ka hana-qaaday Soomaaliya iyo rajada laga qabo in awoodda dowladda iyo sharciga lagu baahiyo guud ahaan gobolada kala duwan ee dalka .

H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa muujiyay in Soomaaliya ay ka filaneyso dowladda China taageero balaaran oo waxtar u leh dalka iyo dadka ,horseedi kartana in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo muwaadiniinta kale , si xal dhameystiran oo nabdoon loogu helo qalalaasaha iyo fikirka guracan ee argagaxisada .

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda China H.E. Wang Yi ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha, isagoo sheegay in China xiriir dhow oo saaxiibtinimo ah ay la leedahay Soomaaliya .

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka China oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano , iyadoo Culimada iyo Ganacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii 1420-kii si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed .

Dowladda China ayaa aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii , taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd , olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online