Raisulwasaaraha DFS oo gaaray magaalada Doha ee xarunta dalka Qadar

March 17, 2015 - Written by Editor

cumar1Doha:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo xubno wasiirro ah oo uu hoggaaminayo, ayaa soo gaaray magaalada Doha ee xaruta waddanka Qadar, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Qadar iyo madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Doha gaaray waxaa ka mid ah, wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Caafmaadka iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa lagu wadaa in maailnta berito ah uu la kulmo dhiggiisa dalka Qatar, si ay uga arrinsadaan xaaladda labada dal, xiriirka ka dhaxeeya iyo sida ay dowladda Qadar  uga qeyb-qaadan karto dib u dhiska waddanka Soomaaliya oo horumar wanaagsan uu ka socdo.
Wasiirrada Ra’iisul wasaaraha socdaalkiisa ku wehliya, ayaa heshiisyo la saxiixan doona wasaaradaha dhiggooda ah ee dalka Qadar.
Booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa qaadan doonta muddo sadex maalmood ah, iyadoo inta uu Doha joogana u la kulmi doono Soomalida waddanka ku sugan.
    ______DHAMMAAD___

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online