Booqashadaydii gobollada Eastern cape iyo Western cape ee Koofur Afrika Sh Maxamed Aadan Abdile

October 11, 2016 - Written by Editor

img-20161011-wa0011Johannesburg:-Waxaan booqasho ujeedadu ahayd kor u qaadida dacwada iyo kormeerka maraakizta dacwada ee gobolada western cape iyo eastern cape aan ku tagay safar dheer oo qaatay mudo labo usbuuc.

Anigoo ka anbabaxay magaalada Johannesburg 22/09/2016 khamiis ayaan ku hormaray magaalada cape town oo ah magaalada labaad ee jaaliyadanada soomaalida ugu balaaran kana tirsan gobolka western cape waxayna u jirtaa Johanneaburg waxa ku dhaw 1500 km,  waxaa garoonka diyaaradaha igu soo dhaweeyay qaar ka mid ah mas,uuliyiinta albayaan ee dacwada ka shaqeeya sida ustaad Siciid Aadam Jaamac oo ah masuulka albayaan ee gobolka iyo Sheekh Xuseen Shibis oo ka mid ah gudiga fulinta ee majliska albayaan ee gobolka western cape.

Isla maalintaa oo ahayd khamiis bacdal maqribkii ayaa waxaan yeelanay fadhi balaaran gudiga fulinta ee majliska albayaan ee gobolka western cape ayadoo shirkaa uu shir gudoominaayay gudoomiyaha gudiga ustaad Saciid Aadam Jaamac, waxaana goob joog ahaa Sheekh cabdullahi ibraahim oo ah sheekha magaalada capetown, sheekh xuseen shibis, ustaad bahjudiin, sheekh cali dheere, ustaad cabdiraxmaan seero oo dhamaantood ah gudiga fulinta ee dacwada albayaan iyo waliba xubno kale oo isla gudiga ka mid ah.

Kulanka oo ujeedadisu ahayd is waraysi iyo kala war qaadasho ayaa waxaa uu ku soo gabagaboobay jawi heer sara ah ayadoo aan u soo koobay xaaladaha dacwada guud ee dalka ay ku sugantahay iyo horumarka ay ku talaabsatay iyo waxa ay higsanayso, waxaan kaloo aan warbixin ka siiyay xaalada mu,asasaadka dacwiga ah ee laga aasaasay jaaliyadahanaga soomaalida ee dalka dibadiisa.

Intii aan ku sugnaa cape town waxaan ka galay labo muxaadaro oo masjidka Sunna ah, muxaadaro ardayda dugsiga sunnah ah, iyo labo kulan oo aan la yeeshay dhalinyarada, iyo kormeer aan ku tagay Markazka suna oo ah markazka majliska albayaan ee cape town.

Intaa ka dib maalintii jimcada ahayd ee 30/09/2016 waxaan u soo dhoofay magaalada port elizabeth oo ah magaalooyinka jaaliyada soomaalida ay ku badan yihiin, waxaana garoonka igu soo dhaweeyay Sheekh Xasan Guure oo ah amiirka guud ee majliska al bayaan iyo sh. suufi oo ka mid ah ducaada al bayaan ee magaalada port elizaberth oo loo soo gaabiyo pe waxay u jirtaa johannesburg 1000 km halka cape town oo aan ka soo duulay ay u jirto 700 km.

Intii aan ku sugnaa PE waxaan galay 6 muxaadaro oo aan ka galay masjidyada kala ah al bayaan iyo al hudaa ayadoo aan labo muxaadaro u galay dumarka PE,  waxaan kulan rasmi ah oo xog waraysi iyo warbixin kala qaadasho la yeeshay culimada ka mas,uulka ah albayaan PE oo uu wehliyay amiirka guud ee albayaan sheekh xasan guure, waxaa ka mid ahaa ragii fadhigaa fadhiyay sheekh shaakir oo ah amiirka al bayaan ee PE, sheekh xasan eelaay, sh. suufi oo labada ka mid ah gudiga albayaan ee PE iyo rag kale.

Intaa ka dib waxaan safar dhulka ah aan ugu baxay maalintii arbacada 05/10/2016 magaalada east london oo ka mid ah gobolka eastern cape oo aan ku sugnaa, safarkaa waxaa i weliyay sheekh xasan guure amiirka guud ee albayaan iyo diktoor ahmed weli oo ka mid ah culimada al bayaan iyo mas,uuliyiinta, waxaa sidoo kale ka yimid johonnesburg sheekh maxamuud adar oo ah gudoomiyaha fulinta albayaan iyo sheekh cali ibraahim cali oo ah xubin ka mid ah gudiga fulinta, safarkaa culimada waxaa uu ku salaysaa sidii jaaliyada east london ay u iibsan lahayd markaz islaami ayadoo albayaan la kaashanayso iibinta markazka.

Ka dib kulamo labo ah oo aan la yeelanay jaaliyada east london ayaa waxaa la isku afgartay in la iibiyo markaz islaami ah east london oo ka mid noqon doono maraakizta dacwada ee albayaan ayadoo gurigii markazka laga dhigi lahaana si biloow ah loola wareegay.

Intii aan ku sugneen east london waxaa muxaadaro ka galay masjidka  xaafadda soomaalida diktoor axmed weli intaa ka dib dhamaan wafdigii ka yimid johannesburg iyo culimadii aniga ila socotay waxay aadeen pe aniagana waxaan sii watay booqashadaydii east london, waxaan 07da bisha oo ahayd jimcadii aan u galay muxaadaro gabdhaha east london ee jaaliyada soomaalida ayadoo isla habeenkiina bacdal maqrib aan galay muxaadaro masjidka.

Intii aan ku sugnaa east london waxaan kulan gaar ah la yeeshay gudiga dacwada oo aan ku kala warqaadanay fadhi ay soo xaadireen culimada oo uu hor kacaayay sheekh khaliif maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga dacwada ee east london. Alxamdulillaahi waxaan ka soo ambabaxay oo uu soo gabagaboobay booqashadaydii labada gobol habeenkii sabtiga soo galaayay ee bisha ahayd 7/10/2016

Sh Maxamed Aadan Abdile
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online