DFS oo Warsaxaafadeed ka soo saartay weerarka Xuutiyiinta ee Mecca

October 30, 2016 - Written by Editor

logoWaxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxa aanu cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaaran ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.

……Dhamaaad….

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online