Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay ciidamo u dirayso magaalada Gaalkacyo.[Dhagayso]
October 11, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo u dirayso magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug si ay u kala dhex galaan ciidamada Gal-Mudug iyo Puntland ee dagaalka uu u dhexeeyo.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye ayaa dhanka kale ugu baaqay waxgaradka magaalada Gaalkacyo in ay ku dadaalan nabadaynta dadka wada degan Gaalkacyo si looga fogaado colaad iyo nabadgelyo daro.
Dhinac kale hadalka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ku soo beegmay xili warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ay ku eedeysay ciidanka dowladda federalka Soomaaliya in ay qayb ka yihiin dagaalka u dhexeeya iyaga iyo Gal-Mudug.
Hoos ka dhagayso Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye
[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/Maareeye.mp3]A/cawaale
Halgan.net