Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka magaalada Gaalkacyo.[Video]
October 28, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:-Shir weyne ay ka soo qayb galeen culumo , odayaal dhaqameed , ganacsato, aqoon yahan iyo qurba jog loogana hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada gaalkacyo , taariikhdu markay ahayd 28/10/2016 oo ku began 27/1/1438 waxaana ka soo baxay baaqaan :
1- Shir weynuhu wuxuu muujinayaa sida uu uga xun yahay dagaalkaas soo noq noqday , waxayna u arkaan mid dhaawacaya xiriirka walaaltinimo iyo darisnimo oo ka dhexeeya dadka deegaankaas.
2- Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada dagaalamaya in ay ilaahay ka baqaan una turaan bulshadooda , joojiyaan hadalka xanafta leh , una dhaga nuglaadaan baaqyada nabadda , ayna si deg deg ah u joojiyaan xabbadda , kala qaadaan ciidamada , lana soo celiyo dadka barakacay.
3- In si deg deg ah loo magacaabo guddiyaal bilaaba wada hadal si loo xalliyo khilaafka taagan.
4- Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka , maamul qoboleedyada kale iyo qaybaha bulshada in loo guntado sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka magaalada gaalkacyo.
5- Waxaan ugu baaqayna saxaafadda inay kaalin nbadayn ka qaataan xaaladda ka taagan gaalkacyo , ayna iska ilaaliyaan hadalada colaadda hurinaya.
6- Waxaan ugu baaqaynaa qurba joogta soomaaliyeed in kaalin mugli leh ay ka qaataan nabadaynta gaalkacyo.
7- Waxaan soo jeedinaynaa in guddi xul ah loo diro deegaanada dagaalku ka jiro si ay ula kulmaan dhinacyada dagaalamaya ugana qabyb qaataan xallinta khilaafka.
8- Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka maamul goboleedyada, ganacsata iyo dhamaan soomaalida , gudaha iyo dibaddaba in loo soo gurmado dadka uu barakiciyay dagaalku , kuna tabaalaysan magaalada daafaheeda.
Hoos ka Daawo Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo
Wabilaahi towfiiq
Shirweynaha ku saabsan xaaladda Galkacayo
Hotel Xayaat-muqdisho soomaaliya