Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka magaalada Gaalkacyo.[Video]

October 28, 2016 - Written by Editor

BaaqaGaalkacyo:-Shir weyne ay ka soo qayb galeen culumo , odayaal dhaqameed , ganacsato, aqoon yahan iyo qurba jog loogana hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada gaalkacyo , taariikhdu markay ahayd 28/10/2016 oo ku began 27/1/1438 waxaana ka soo baxay baaqaan :
1- Shir weynuhu wuxuu muujinayaa sida uu uga xun yahay dagaalkaas soo noq noqday , waxayna u arkaan mid dhaawacaya xiriirka walaaltinimo iyo darisnimo oo ka dhexeeya dadka deegaankaas.

2- Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada dagaalamaya in ay ilaahay ka baqaan una turaan bulshadooda , joojiyaan hadalka xanafta leh , una dhaga nuglaadaan baaqyada nabadda , ayna si deg deg ah u joojiyaan xabbadda , kala qaadaan ciidamada , lana soo celiyo dadka barakacay.

3- In si deg deg ah loo magacaabo guddiyaal bilaaba wada hadal si loo xalliyo khilaafka taagan.

4- Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka , maamul qoboleedyada kale iyo qaybaha bulshada in loo guntado sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka magaalada gaalkacyo.

5- Waxaan ugu baaqayna saxaafadda inay kaalin nbadayn ka qaataan xaaladda ka taagan gaalkacyo , ayna iska ilaaliyaan hadalada colaadda hurinaya.

6- Waxaan ugu baaqaynaa qurba joogta soomaaliyeed in kaalin mugli leh ay ka qaataan nabadaynta gaalkacyo.

7- Waxaan soo jeedinaynaa in guddi xul ah loo diro deegaanada dagaalku ka jiro si ay ula kulmaan dhinacyada dagaalamaya ugana qabyb qaataan xallinta khilaafka.

8- Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka maamul goboleedyada, ganacsata iyo dhamaan soomaalida , gudaha iyo dibaddaba in loo soo gurmado dadka uu barakiciyay dagaalku , kuna tabaalaysan magaalada daafaheeda.

Hoos ka Daawo Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo

Wabilaahi towfiiq
Shirweynaha ku saabsan xaaladda Galkacayo
Hotel Xayaat-muqdisho soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online