Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha DFS oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

October 28, 2016 - Written by Editor

unnamed-2-8Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa la kulmay Ku xigeenka Madaxa USAID ee Xafiiska u qaabilasan arrimaha Dimuqraadiyada, Khilaafaadka iyo Gargaarga Bini’aadannimada (DCHA) Mr. David Harden, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb Schwartz, iyo wafdi la socday, waxaana kulanka RW Ku-Xigeenka ku wehliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa kala hadlay Mr. David Harden iyo Amb Schwartz sidii dowaladda Soomaaliya iyo USAID ay uga wadashaqeeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyada.

“Waxaan diyaar u nahay in dalkeenu uu gaaro horumar waara oo ku saleeysan hab loo dhanyahay, xasilooni amni iyo dimuqraadiyad, tasoo fursad weyn siineysa dhalinyarada si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada, Waxaan maanta leenahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo dhincayada waxbarshada iyo caafimaadka muhiimad gaar ah siinaya; waa midaa waxa aan dooneyno inaan USAID kawada shaqeeyno”.

Mudane Carteh ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay saxiib muddo badan garab taagneyd Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waa saxiib muhiim ah oo ay leedahay Soomaaliya oo ku garab taagan horumarka iyo la dagaalanka argagixisada”.

Ugu dambeyn RW Ku-Xigeenka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacbiga Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online