Ma ogtahay inuu jiro Telefeshin afka soomaaliga dacwada ku baahiya 24saac.!!!

October 28, 2016 - Written by Editor

maqaal1Sudan:-Telefishinka Afrika 4 wuxuu baahiyaa dacwada islaamka iyo barnaamij diini ah oo kala duwan 24ka saac, wuxuuna ku baxaa afsoomaali, waxaa la aasaasay sanadkii2014kii, ayadoo lagala socon karo mawjadaha kala ah: Arabsat Badr6 11765H 27500 5/6, ama Nilesat 12688V 27500 ¾, waxaa maamulkiisa kore haya isla markaana maalgaliyey walaalo samofalayaal ah laakiin waxaa hab mutadawacnimo u badan kula shaqeeya wariyayaal iyo ducaad iyo culumo soomaaliyeed oo wax ka barta ama degan wadanka Suudaan oo ah halka xarunta TV-gu ku taal.

Warbaahinta oo saamayn xoog ah ku leh rayalcaamka dadka ayaad moodaa tobankii sano oo ugu danbeeyey inay hanaqaadeen telefeshino afka soomaaliga ku baahiya waxyaalo dhaqanka iyo diinta ka hor imaanaya, dacwadii islaamkana lidi ku ah, taasoo saamaynteedu si wayn uga muuqato jiilka tobankaas sano kacay.

Hadaba telefishinkaan wuxuu noqon karaa fursad qaaliya oo dacwadu dawrkeeda ku gudato, laguna kabo nuqsaanta ka jirta adeegsiga warbaahinta, waana xalka munaasabka ah ee looga hortagi karo culayska aan kor kusoo sheegnay.

Hadaba ayadoo raggii maalgaliyey ay wax badan hureen hadana waxaa muuqata inuu u baahan yahay garab istaag dhinacyo badan taabanaya, maadaama shaqadii awalba nala ka rabay soomaali ahaan naloo soo dhaweeyey, waxaana ugu muhiimsan baahiyahaas markaan u dhabogalnay:

1) In culumada iyo ducaada soomaaliyeed ay ka saacidaan maadada TV-ga laga baahinayo gaar ahaan akhyaarta istuudyowyada haysa.

2) In culumadu soo booqdaan oo intii awoodooda ah ay risaaladooda ku gutaan.

3) In loo sameeyo dacaayo iyo xayaysiis oo soomaalida warkiisa la gaarsiiyo dal iyo dibadba dadkana lagu xiro.

4) in dhamaan khubarada ku takhasusay dhinacyada warbaahinta iyo barnaamij soo saarista looga baahan yahay taladooda iyo ka qaybgalkoodaba.

5) In ganacsatada iyo maalqabeenka soomaaliyeed ay ganacsigooda ku xayeysiistaan si waxa kasoo baxa ay taageero ugu noqdaan horumarinta telefishinka.

6) In guud ahaan mu’asasaadka dacwada dalka iyo dibadaba ay kala shaqeeyaan baahinta barnaamijta dacwiga ah, telefishinkuna dhiniciisa u fududaynayo hawlahooda dacwo oo bulshada ku wajahan.

Diyaariye: Axmed Dheeli

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online