Madaxweynaha dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo gaaray degmada Carmo

October 27, 2016 - Written by Editor

gaas_garacadBoosaaso:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi wasiiro ah oo ka tirsan dowladdiisa ayaa gaaray degmada Carmo ee gobalka Barri, waxaana ay kulan nabadeed la qaadanayaan Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo horay khlaaf iyo madmadoow uu soo kala dhex galay Xukuumada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo dhaweeyey degamda Carmo ee Gobolka Bari waxaan soo dhaweeyey maamulka degmada , odayaasha dhaqanka iyo waxgadarka magaalada. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaadan doona Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo in mudo ah culimada iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Bari ay u kala dabqaadayeen si khilaafka jira loogu dhameeyo nabad iyagoo kulamo kula yeesha madaxda Puntland magaalada Garoowe waan ay u guulaysteen in xal laga gaaro.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo in la soo afjaray khilaafkii u dhexeeyey xukuumada Puntland iyo Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan waxaan arrinka nabadaynta ka soo shaqeeyey gudi isku dhaf ah oo arrinka loo xil saaray.

Dhinac kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa waxaa sidoo kale uu kulmo gaar gaar ah la yeelan doonaa bulshada qeybaheeda kale duwan ee ku nool degmada Carmo oo ay arrimo badan ka wada hadli doonaan gaar ahaan xaalada colaadeed ee ka taagan degmada Qandal iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online