Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhabo

October 3, 2016 - Written by Editor

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho shaqo ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qeybaha bulshada kula hadlayey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada.

“Ujeeddada booqashadeyda ee magaalada Baydhabo waxay tahay inaan maamulka iyo shacabka Koonfuur Galbeed ku dhiirigeliyo in la dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016, lagana shaqeeyo in si habsami leh ay hawshaasi taariikhiga ah inoogu qabsoonto. Baaqaasina waa mid aan shacabka Soomaaliyeed oo dhan u jeedinayo. Ujeeddada labaad waxay tahay inaan mar kale ku baaqo, idinna faro in qoondada haweenka ee kuraasta labada aqal la dhaqan geliyo, maadaama go’aankaasi uu yahay siyaasad qaran oo Soomaaliya oo dhan khuseysa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u dhaqaaqday, uuna filayo in dhalinyarada iyo haweenka u hanqal taagaya inay u tartamaan kuraasta labada aqal ay door weyn ka qaadan doonaan safarka dowlad dhisida ee Soomaaliyada cusub.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyinkan dadban ee lagu heshiiyey si aloo abuuro kalsooni sal adag leh oo shacabka ka dhexeeya.

“Doorashada sannadkan 2016 waa tallaabo taariikhi ah oo waddanka loogu diyaarinayo doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka. Waxaa hadafkeenu uu yahay inaan dhisno Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo wada oggol’’.

——————————-DHAMMAAD—————————-

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online