Madaxweynaha maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle oo loo doortay Cali C/laahi Cosoble
October 17, 2016 - Written by EditorJowhar:-Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku guulaystay Madaxweynaha maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle kadib codayn goor dhow lagu soo gabagabeeyey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Madaxweynaha maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa uu helay 61 cod halka uu helay Maxamed Cabdi Waare uu helay 36.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqy in Madaxweynaha maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu ku guuleystay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Waxaa haatan la gudo galay Doorashada Madaxweyne ku xigeenka maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle waxaana ku tartamayaan Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Xasan Taakow.
A/Cawale
Halgan.net