Madaxweynaha Puntland oo La kulmay Hay’addaha ka howlgala gudaha Puntland.[Cod/Masawiro]

October 5, 2016 - Written by Editor

img_8494Garowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 05-October-2016 kulan uu kula qaatay Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe dhammaan Hay’adaha samefalka ee ka hawl-gala Puntland waxa uu ka jeediyey Ambiil ama baaq ku saabsan abaaraha baahsan ee ka jira Puntland, baaqaas oo uu u diray dadweynaha reer Puntland iyo beesha caalamkaba.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. C/xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf, Wasiirro iyo dhammaan hay’adaha samefalka ee ka hawl-gala Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay Puntland ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey dadka iyo duunyadaba isla markaana haddii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban ay halis gelin karto nolosha dadka iyo duunyadaba.

“Raxmadda Eebbe kama aannaan quusan balse waxaan rabaa in aan shacabka reer Puntland iyo beeshaca caalamkaba u sheego in ay Puntland ka jirto khatar weyn oo dhinaca abaaraha ah

Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo qorshe ku talo-gal ah, kaas oo looga gaashaamanayo haddii sida aynu u rabno ay wax u dhici waayaan”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu xusay in xilli roobaadkii lasoo dhaafay ee Gu’ga ay yaraayeen roobabkii ka da’ay Puntland sidoo kalena laga cabsi qabo in roobabka dayrta uu dib u dhac ku yimaado ama ay yaraadaan, taa beddelkeena loo baahan yahay in dawlad ahaan iyo shacab ahaanba loo diyaar garoobo sidii loo wajihi lahaa abaarahaasi.

“waxaan rabaa in aan caddeeyo in ay Puntland ka jirto khatar weyn oo dhinaca abaaraha ah maadaama ay yaraayeen roobabkii gu’ga ee lasoo dhaafay lagana cabsi qabo in roobabka dayru ay yaraadaan, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in aan dawlad ahaan iyo shacab ahaanba u diyaar garowno, beesha caalamkana marwalba taageeradooda waanu u baahanahay”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland oo La kulmay Hay’addaha ka howlgala gudaha Puntland

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2016/10/wargelingaas.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online