Sharmaarke,Faroole ,Jurille ,Farxaan Xusen oo ku guuleystay xubinnimadda Aqalka Sare.
October 20, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Ra’isul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guulaysatay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo helay 47 cod halka aamnino Aadan ay heshay 17 cod.Madaxweynaha hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku guuleystay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuna helay 59 halka Cabdi Mahad Oo isna uu heley 5 Cod.
Dhinaca kale C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile) ayaa ku guuleystay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya Oo Helay 33-Cod halka Hodan ismaaciil Cilmi Oo Iyaduna Heshay 32-Cod.
Farxaan Cali Xuseen ayaa ku guuleystay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuuna helay 35-Cod halka Cali Ismail Giir uu helay 29 cod.
A/Cawale
Halgan.net