Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Beledweyne
October 25, 2016 - Written by EditorBaladweyne:-Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana ka dhashay khaasro leh dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad xoogan waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoogan ay ridayaan ciidanka Jabuuti.
Weerarka ismiidaaminta ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Howlwadaag oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Jabuuti iyo kuwa DFS.
Ilaa hada ma jiraan cid ka tirsan saraakiisha Jabuuti iyo kuwa DFS oo ka hadlay qaraxa is miidaaminta ee ka dhacay magaalada B/weyne.
A/Cawale
Halgan.net