Xaalad degenaansho oo saaka laga dareemayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
October 8, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay xaalada magaalada ay tahay mid degan oo aysan ka jirin wax xiisad ah.
Dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Gaalakacyo ayaa waxaa wili isku horfadhiyaan duleedka magaalada waxaana socda dadaal ay wadaan odayaasha iyo culuma,udinka magaalada kuwaas oo isku dayaya in xaalada la dajiyo lana joojiyo colaada.
Xaalad degenaansho ayaa ka jirto magaalada Gaalkacyo waxaana furan goobaha ganacsiga isu socodka magaalada ayaa ah mid caadi ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharaxiin kala duwan ayaa ku baaqay in la joojiyo colaada iyaga oo ugu baaqay Puntland iyo Galmudug in wixii khilaafa lagu xaliyo wada hadal.
M_M Deeq
Halgan.net