Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle oo lagu dhaariyey magaalada Jowhar
October 9, 2016 - Written by EditorJowhar:-War goor dhow naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hirshabeelle waxaana xaflada dhaarinta goobjoog ka ah wasiirka arimaha gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)iyo Mas’uuliyiin ka socoda IGAD.
Dhaarinta xildhibaanada Maamulka Maamulka Hirshabeelle kadib ayaa waxaa goobta hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana uu xildhibaanada cusub uu kula dar daarmay in ay daacad u noqdaan Maamulkooda lana yimaadaan shaqo hufan.
Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ka kooban yahay gobalada Hiiraan iyo Jowhar waxaana xildhibaanada ay gaarayaan 73 xildhibaan waxaana jira khilaaf xoogan oo dhexeeya DFS iyo siyaasiyiin iyo Odayaal ka jeeda gobalka hiiraan iyo jowhar kuwaas oo saluugsan qaabka ay DFS u wado sameynta Maamulka Hirshabeelle .
A/Cawale
Halgan.net