Xukuumadda Itoobiya oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah

October 9, 2016 - Written by Editor

_91739634_ethiopia_unrest1Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Wasiirka warfaafinta ayaa BBC u sheegay inay ka shaqaynayaan faahfaahinta xaaladda degdegta ah ee dalka lagu soo rogay.

BBC Somalia
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online