Af-hayeenka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax oo laga waraystay dagaalkii ka dhacay deegaanka Buulo Guduud.[Dhagayso]
September 3, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta ka dhacay deegaanka Buulo Guduud oo ilaa 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta jubada hoose dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidanka Jubbaland waxaan dagaalka maanta ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir seeraar maax ayaa sheegay in dagaalka ay uga dhinteen 7 askari 10 kalena ay uga dhaawac meen isagoo xusay in ciidamadood iska difaaceen weerarka uga yimid ururka Al-shabaab oo ahaa mid qorshaysan oo ay rabeen in ay ku qabsadaan saldhiga ay ciidanka Jubbaland ay ku lahayen deegaanka Buulo Guduud.
Hoos ka Dhagayso Af-hayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax.
A/cawaale
Halgan.net