Madaxweynaha Gal-Mudug oo soo gaaray Cadaado eedeyna u jeediyey DFS (Masawiro+Cod)
September 24, 2017 - Written by EditorCadaado:-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyey xubnaha labada gole ee Maamulka Galmudug. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa markii uu soo gaaray magaalada Cadaado waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey masuuliinta DFS waxaana uu ku eedeeyey in ay xayireen diyaaradii uu ka soo raaci lahaa Hargeyso mudo ka badan 5 saac.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal adag kula jirto Maamulka Galmudug, isaga oo shacabka reer Galmudug ugu baaqay midnimo iyo wadajir. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu intaas raaciyey in madaxda DFS ayaa faragelin cad ay ku hayso Shaqada Maamulka Galmudug iyada oo adeegsanayey xubno ka tirsan Maamulka Galmudug.
no images were found
Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Saxaafada isaga oo eedeyn u soo jeediyey Madaxweyaha DFS
A/Cawale
Halgan.net