Maxaned Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle
September 16, 2017 - Written by EditorJowhar:-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Maxaned Cabdi Waare loo doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle, kaddib markii uu wareeggii ugu dambeeyay uu kaga adkaaday musharaxii la tartamayay ee Daahir Cabdulle Cawaale.
Doorashada Madaxweynaha Hir-Shabelle ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Jowhar waxaana amaanka magaalada sugayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Sheekh Cusmaan Barre, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada waxaana uu sheegay in Maxamed Cabdi Waare, uu helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.
Doorashadan, ayaa imaaneysa kadib markii bishii Augost ee sanadkan ay baarlamaanka Hir-Shabelle uu codkii kalsoonida kala laabteen madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Madaxweynahii hore ee Hir-Shabelle ayaa diiday xilka laga qaaday wuxuuna eedeyn u soo jeediyey madaxada DFS wuxuuna sheegay in ay burburinayaan Maamul gobaleedka Hir-Shabelle.
A/Cawale
Halgan.net