Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Qardho Gaanshale Abshir Maxamed Cabaas oo ka warbixiyey nin lagu qabtay magaalada Qardho.[Dhagayso]
September 12, 2017 - Written by EditorQardho:-Ciidanka amniga ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar ayaa lagu qabtay nin ay in mudo ah raadinayeen oo la sheegay in uu ilaalo u ahaa mid ka mid ah wasiirada xilkooda waayey ka dibna waxa uu la fakaday qori. Ciidanka Booliska oo in mud ah raadinayey ayaa xalay waxaa laga soo dhex qabtay mid la mid ah xaafadaha magaalada qardho isagoo ciidanka la dagaalamay oo riday xabado badan ka dibna ciidanku waa ay qabteen ka dib markii uu dhaawacmay.
Taliyaha-Saldhiga-Dhexe-ee-Qardho-Gaanshale-Abshir-Maxamed-Cabaas oo la hadlay saxaaafadda ayaa sheegay in ninka xalay lagu qabtay magaalada qardho in uusam ahayn burcad badeed ama xubin ka tirsan Al-shabaab balse uu ahaa nin dhalinyaro ah oosameeyey gadood ilaalana u ahaa mid ka mid ah wasiirada xilkooda waayey dhawaan.
Hoos ka Dhagayso Taliyaha-Saldhiga-Dhexe-ee-Qardho-Gaanshale-Abshir-Maxamed-Cabaas
M_M_Deeq
Halgan.net