Kenya miyay ka hor tagi kartay weerarkii DusitD2?

January 20, 2019 - Written by Editor

Weerarkii dhawaan ka dhacay dhisme ku yaalla magaalada Nairobi ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku aadaan in Kenya ay casharro ka baratay weerardii argagixiso ee horay uga dhacay dalkeeda, kuwaasi oo uu ka mid ahaa weererkii ka dhacay sanadkii 2013-kii xarunta dukaameeysiga ee Westgate.

Maalmahaan dambe ayaa waxaa la arkayay iyadoo gawaarida iyo shakhsiyaadka galaya dhismooyinka waaweeyn ee dalka oo ay aad u baarayaan shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay.

Gawaarida iyo dadka ayaa waxa ay dhex marayaan mashiino qabanaya waxyaabaha khatarta ah.

Laakinse waxaa aad loogu raja weeynaa in ay ka digtoonaadaan goobihii ay ka dhaceen weerarradii ugu dambeeyay oo uu ka mid ahaa DusitD2 ee 14 Riverside. Dhismaha DusitD2 ayaa waxaa ku yaalla ganacsiyo kala duwan iyo hudheel weyn oo ay inta badan degaan saraakiil ka tirsan dawladda iyo kuwa ajaaniba ah. Markaa sidaa darteed goobaha sidaan oo kale ah oo ku yaalla dunida kale amingooda aad ayaa loo adkeeyaa oo waa la sii ogaan lahaa marka ay soo weerayaan ciidamada Al-shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Inta badan amniga dhismooyinka waayweyn waxaa suga milkiilayaasha oo si aad ah uga taxaddara balse mas’uuliyadda ugu weyn waxaa ay saarantahay dawladda Kenya. Weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadaan Kenya ayaa waxaa ay ka dhacayeen xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo u muuqatay in guud ahaan dalka intiisa kale amingiisa la sugay oo uu iska xasiloonayahay inkastoo ay jireen khataro kala duwan oo laga cabsi qabay. Arrintaas ayaa keentay in loo maleeyo in Al-Shabaab ay inta badan qorsheeyneysay in ficilladeeda waayeyn ay ku soo koobmeen gudaha dalka Soomaaliya. Mathias Muindi oo ka faallooda khatarta ayaa sheegaya in weerarkii ugu dambeeyay ay ciidamada ammaanka ay ka muuqdeen calaamado muujinaya is diyaarin la taaban karo. “Cadeeymaha laga soo uruuriyay dableeyada weerarka geeysatay ayaa waxaa ka mid ahaa dad markoodii hore aanan muslimiin iyo soomaaliba ahayn, taas oo keentay suura’galnimada ah in hay’adaha aminga aysan aad uga fakarin dhankaasi,”ayuu yiri Mathias Muindi. “Dhibaataada haatan jirta ayaa waxa ay tahay dawladda ma haysato sirdoon ku filan oo ka hawl gala dhamaan qeeybaha uu ka kooban yahay dalka.” Waxaana haatan mar labaad la is weydinayaa in dadaalada la dagaalanka argagixisada ee ay wadaan sirdoonka maxalliga ah iyo kuwa ajaanibta ah ay gareeen hormar la taaba karo iyo in kale. BBC Somalia Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online