Madaxweynaha JFS oo gaaray Baydhabo[Masawiro]

January 16, 2019 - Written by Editor

Baydhabo:-Waxaan goor dhaw soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo si ay uga qayb galaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) oo maanta ka dhacaysa magaalada Baydhabo.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa
ku soo dhaweeyey garoona diyaaradaha ee magaalada Baydhabo wafdi wasiiro ah oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya , gudoomiayaha Baarlamaanka , Madaxweyanaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), wasiirko ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, maamulka Gobolka Baydhabo iyo odayaasha dhaqanka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii uu gaaray magaalada Baydhabo waxaa uu u mahadceliyey masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, culumada, dhallinyarada, haweenka iyo shacabka Baydhabo ee sida diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Dhinac kale waxaa maalintii shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay wafdi balaadhan oo ka tirsan Puntland ayna kala hogaaminayaan madaxweyne ku xigeenka Puntland, Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online