Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galey Aas Qaran oo Loo Sameeyey Gen. C/llaahi Cali Mire (Carays).[Masawiro]

January 24, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 January 2019 ka qayb galey aas qaran oo loo sameeyey Murxuum Gen Cabullaahi Cai Mire (Carays).

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilm Cismaan’ Madaxweynayashii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweynekuxigenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Gudoonka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ismo Iyo Shacab aad tiro badan.

Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo shalay ku geeriyoodey caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa uu kamid ahaa saraakiishii ciidankii xooga dalka isaga oo markii danbe noqdey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, isla’marahaantaana hada ahaa lataliyaha Madaxweynaha arrimaha Amniga.

Dhinaca kale Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere ) oo aaska qaran ka jeediyey kalmado ayaa kawarbixiyey taariikh nololeedkii Alle Ha u naxriistee Marxuum Gen. Caabdullaahi Cali Mire (Carays) oo ay ahaayeen dad isku dhow isga oo si kooban uga sheekeeyey taariikh nololeedkii marxuumka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo kalmad kooban ka jeediyey aaska qaran ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuunku.

“Innaa lilaahi waa innaa ileyhi raajucuun, waxaan taaganahay waa qabri labo arimood baana munaasib ka ah qabriga dushiisa in aan u ducayno General Cabdullaahi in ilahay SWT qabriga u nuuriyo danbigiisa adduun’na dhaafo jannadiisii firdowsana uu geeyo

” Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Alle ha idinka siiyo, Wuxuu noo ahaa halgamaa wax badan kasoo qabtay dalka Soomaaliyeed iyo Puntland taariikhdu way xusi doonta anaguna waan xusuusan doonaa haddii Alle idmo, Waxaan rajaynayaa dadka reer Puntland iyo cid kasta oo uu la mucaamulay oo ay wax kala gaareen in ay CAFISO ciddii wax gaar ah u haysatana in ay Dowladda Puntland lasoo xidhiidhaan”

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online