Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Saraakiilka Ka Socdey Hay’adda UNSOM.

January 24, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 24 January 2019, wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadda Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee UNSOM Soomaaliya, weftigan ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Mr, Tariq Chaudhry.

Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni howlaha baaxadda leh ee uu ka qabtay tan iyo markii la doortay.

Sidoo kale Mr, Tariq ayaa hoosta ka xariiqay Horumarka iyo Ammaanka ka jira mandiqadda Puntland uu yahay mid muuqda oo taabagal ah, wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay Qaramada Midoobey in ay taageerto dadaallada wanaagsan ee dhinacyada horumarka iyo siyaasadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay wafdiga Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Soomaaliya in ay Puntland soo dhaweynayso shaqooyinkooda, wuxuuna balan qaaday in ay Puntland hormuud u tahay Soomaaliya oo horumar wanaagsan gaarta, ayna ka shaqeynayso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Hay’addaha Qaramada Midowbay ka hayaan gudaha Puntland, gaar ahaanna Hay’adda UNSOM, isla markaana waxa uu saraakiisha xafiiskaasi kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online