Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Ku qabilay Madaxa Mashruuca CIP Ee World Bank. (Masawiro)

January 22, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Janauary 2019 xafiiskiisa kulan kula Qaatay Madaxa mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP (Capacity Injection Project) ee World Bank Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu la qaatay Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa qayb ka ahaa qaarkamida saraakiisha xafiiska World Bank ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa Mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP Capacity Injection Project World Bank Mr. Gregory ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, ukuurgelidda habsami u socodka mashruuca iyo dhammaystirka qabyo qoraalka qorshaha 2019 ee hay’addaha dowladda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Bangiga Aduunku ay ka hayaan Puntland iyo guusha uu gaaray Masruuca CIP mudadii uu shaqaynaayey ee ahay 4-ta sano, isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu qirey in Dowladda Puntland diyaar u tahay ka faa’iidaysiga mashaariicda World Bank si guud iyo si gaar ah ba Mashruuca CIP.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qayb ka ahaa aasaaskii Mashruuca CIP Capacity Injection Project World Bank markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online