Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Kala Hadlay Horumarinta Qorshaha Xakameynta COVID19

March 23, 2020 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga gaashaamanayo COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn dhaqaatiirta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurkaan ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan bed-qabka bulshada waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Kulanka oo ay goob joog ka aheyd wasiirka caafimaadka XFS, ayaa lagu soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka, wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga qorshaha looga gaashaamanayo.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta Wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka, wasaaradaha kale ee wada shaqeyntu kala dhexeyso, howl-wadeenna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaybta ka ah howlaha xakameynta iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loogu guuleyso bed-qabka iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran.

Wasiirka Caafimaadka oo kulanka la war bixisay ayaa caddeysay in si aad ah looga wada hadlay sare u qaadidda wacyi-gelinta bulshada iyo Karaantiilka dadka lagu arko astaamaha lagu garto cudurka.

Kulanka intii uu socday waxaa lasoo jeediyay in la adeekyo dhaqan gelinta tillaabooyinka xakameynta ee ay kamidka yihiin yareynta isu imaatinta Dadweynaha iyo Sare u qaadidda Nadaafadda maadaama Ka hor tagga cudurku ay ka wanaagantahay daaweynta.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online