DFS oo soo dhaweysay cunaqabeteynta lagu soo rogay shaqsiyaadka dhanka Maaliyadda ku taageera Al-shabaab

October 18, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda argagixisada ah ee u ooman dhiigga shacabka ee Al Shabab.

Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la farayaa inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayaa ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada sida khaldan diinta Islaamka u adeegsaneysa, baneysateyna dhiigga Muslimiinta aan waxba galabsan.

Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada.

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ay daashadeen gabbood-falada ay argagixisada ka wadaan dalka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha arxan-laaweyaasha ah ee diinta Islaamka ku gambaneysa. Khasaaraha maliishiyaadka Khawaarijta la gaarsiiyay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qaar kale oo badan oo isa soo dhiibay ama la qabtey.

-Dhammaad-

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online