Golaha amniga ee Puntland oo la dhisay ayaa yeeshay shirkoodii ugu horeeyay.

October 15, 2022 - Written by Editor

Garoowe: 15 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Golaha Amniga Puntland.

Kulanka ayaa ku saabsana kala warqaadasho Amni, Iyadoo Goluhu uu ka hadlay xaaladda Guud ee Amniga Puntland Gudaha iyo dibadda iyo hannaanka horumarsan ee Goluhu uga shaqeynayo Amniga iyo qorsheyaasha lagu sii horumarinayo.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Cadaaladda, Teliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta , Nabad sugidda iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka.

GOLAHA AMNIGA PUNTLAND
1. Madaxweynaha (Guddoomiye)
2. Madaxweyne Ku-xigeenka
(Guddoomiye Ku Xigaanka)
3. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR (Xubin)
4. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda (Xubin)
5. Wasiirka Maaliyadda (Xubin)
6. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta (Xubin)
7. Wasiiru Dowaha Madaxtooyada (Xubin)
8. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Xubin)
9. Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
10. Taliyaha Ciidanka Asluubta (Xubin)
11. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda (Xubin)
12. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka (Xubin)
DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online