Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo shir gudoominaya fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada.

October 27, 2022 - Written by Editor

Garoowe:- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 51-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.
Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 51-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online