Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Munaasabadda dufcadii 10-aad ee Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Bariga Africa.[Video]

October 17, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda dufcadii 10-aad ee Ardayda ka qalinjebisay Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda Garoowe, Ardaydan oo tiradoodu ka badantahay 250 arday ayaa bartay aqoon heerkeedu yahay Diploma , Degree iyo Master.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka waxbarasho ee ay wadaan Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Jaamacada Bariga Africa iyo dhammaan xarumaha kale ee Waxbarashada isagoo muujiyay in Dowladdu muhiimad gaar ah siinayso in la dhiso Aqoonta Bulshadeena, wuxuuna gaar ugu amaanay Jaamacadda Bariga Africa dhabar adeyga iyo adkeysigooda duruufaha kala duwan ee ay ku soo shaqeeyeen si ay usoo saaraan Jiil waxbartay.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah Ardayda ka qalinjebisay maanta Jaamacadda Bariga Africa, wuxuuna kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’ideeyaan dalkooda iyo dadkooda, marwalbana ku dadaalaan doorkooda Bulsho in uu noqdo mid wax dhisa oo ay ka qeyb qaataan horumarka dhinac walba.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online