Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay Maxkamada Sare ee dowladda Puntland

October 26, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowladda Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad
Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Dowladda Puntland.
1. Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye
2. Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.
3. Saciid Axmed Faarax Garsoore.
4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.
5. Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.
6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .
7. Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah.

Qodobka 2-aad
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online