Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Uganda

October 10, 2022 - Written by Editor

Kampala:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online