Madaxweynaha JFS oo kulan wadatashi ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed

October 8, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku haya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in la qabto shirweyne Culumada Soomaaliyeed la isagu keenayo si looga arinsado dhismaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan ee argagixisada iyo muujinta sida ay khawaarijta Alshabaab uga been abuuranayaan diinteenna suubban ee Islaamka, isagoo xusay gacanta ay ka geysanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyay howlgallada iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.Waxa yna soo bandhigeen sida ay u garab taagan yahiin howlgallada socda.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online