Madaxweynaha, Ururada siyaasadda iyo Guddiga doorashooyinka oo isla qaatay go’aamo lagu dardargelinayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

October 13, 2022 - Written by Editor

Garoowe: 12 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay Kulanka Halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee Shirka ka qeybgalay, ayaa iyana Kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soojeedinta Ururada Siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in Dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda, Dowladda ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta Iyadoo inta howsha Doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, si loo dhameystiro Waxyaabaha dhinaca Garsoorka ka khuseeya Doorashada hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

no images were found

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online