Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Xisaabiyaha guud, Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
October 1, 2022 - Written by EditorGAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shir guud la qaatay Wasiirada, Xisaabiyaha guud, Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Shirkan ayaa ahaa is barasho iyo kor uqaadida hannaanka guud ee Shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda u sheegay in ay muhiim tahay in shaqada bulshada loo hayo kor loo qaado kuna ammaanay shaqooyinkii horay loo soo qabtay.
Ugu dambayntii Wasiirka aya kula dardaarmay shaqaalaha Wasaaradda in laga shaqeeyo kor uqaadida dakhliga si dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland