๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—น๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ

January 26, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay culimada Soomaaliyeed natiijada ay ka gaareen shirweynaha iyo sida ay u fasireen dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, isaga oo intaa raaciyay in ay la hadleen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhegaha furaan oo ay qaataan waxa ay u sheegeen culimada Soomaaliyeed ee ku xusan bayaanka ay shirka ka soo saareen, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda #DanQaran ay diyaar u tahay inay fuliso qodobada dowladda loo soo jeediyay.

Shirweynaha oo isku keenay dhammaan Culimada Soomaaliyeed dal iyo dibed ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay xiriirka ka dhexeeya dowladnimada iyo diinta, waajibaadka dowladda Soomaaliyeed ka saaran dhawrista diinta iyo dhaqanka, horumarinta nidaamka caddaaladda dalka iyo aragti culimada Soomaaliyeed ee ku wajahan kooxaha Khawaariijta ee dhibaatada ku haya shacabka, oo ay si cad u sheegeen in ay yihiin Khawaariij banneystay dhiiga dadka Soomaaliyeed.

——Dhamaad——

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online