𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 H𝗲𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗨𝗡𝗜𝗖𝗘𝗙
January 24, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Maxamed Fall.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka bini’aadanimo ee hey’addu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.
Agaasimaha ayaa sheegay in hey’addu ka go’an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.
Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada bini’aadanimo ee hey’addu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.
—DHAMMAAD—-