𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗵𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗕𝗮𝗿𝘄𝗮𝗮𝗾𝗼
January 25, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar, kaasi oo ay fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneya Baanka Adduunka.
Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha qaabka looga faa’iideystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyadoo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faa’iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta.
Mashruuca Barwaaqo oo socon doona muddo sanooyin ah, ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah ayaa waxa uu xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mashruuca ku tilmaamay fursad aaan uga faaiideyn karno dadkeena iyo xoolaheena si aanay biyo la’aan ugu dhicin, maadaam buu yiri la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo.
——DHAMMAAD—-