Culimada Soomaaliyeed oo go’aamiyey in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay ‘Jihaad

January 26, 2023 - Written by Editor

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023, ayaa maanta lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Shirkan ayaa ku saabsanaa in la muujiyo in kooxaha argagixisada Soomaaliya ee Al-Shabaab iyo Daacish aysan laheyn wax sharciyad diineed ah, islamarkaana la buriyo fasiraadaha ay ka bixiyaan diinta Islaamka, sida lagu sheegay war-murtiyeedka shirka.

Waxyaabaha shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in ugu horreyn uu cambaareeyey falkii nin xagjir ah ku gubay 21-kii Jannayo 2023 meel fagaaro ah ee magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu geliyay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish), wuxuuna ku adkeeyey Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay.

Shirweynaha ayaa sidoo kale isku raacay in Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Wuxuu sidoo kale go’aamiyey in aysan bannaaneyn in la faafiyo afkaarta kooxaha Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mideysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Al-Shabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay.”

Waxaa sidoo kale war-mutiyeedka lagu sheegay in Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed uu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta Islaam-ka.

“Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Ugu dambeyn waxa war-murtiyeedka lagu caddeeyey in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka, islamarkaana ay isku raaceen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online