Madaxweynaha Galmudug oo bogaadiyey guulaha ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug

January 17, 2023 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen Degmada Ceeldheer.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa sheegay in howlgaladu sii socon doonaan ilaa laga xoreeyo kooxda Khawaarijta ah Galmudug iyo Soomaaliya inteeda kaleba.

———Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online