Madaxweynaha Galmudug oo kulamo la leh Saraakiisha ciidamada DFS ee ku sugan Xarardheere

January 21, 2023 - Written by Editor

Xarardheere :-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka Dhulka oo maalintii 5aad ku sugan magaalada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa Kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka gobolka iyo kan degmada Xarardheere.

Kulankaan ayaa looga hadlayay adkaynta Amniga Degmada Xarardheere iyo joogteynta howlgalada lagu xoreynayo deegaanada kale ee Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Xarardheere oo haatan wajahaya xaalado bini’aadanimo, asagoona baaq u diray DFS iyo beesha caalamkaba inay la soo gaaraan gargaar.

—–Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online