Madaxweynaha Jubaland oo gaaray dalka Jabuuti

January 15, 2023 - Written by Editor

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada ee dalkiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga Jabuuti.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada tariikhiga ah ee ay ku joogaan Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay tageerada dhinacyada kala duwan ah ee Dowlada Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada hormarka iyo amniga.

——Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online