Madaxweynaha Puntland oo kormeeray taliska guud Ee Ciidanka Daraawiishta Puntland

January 19, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad, oo ay ku socoto dayactir, dib-u-dhis, qalabeyn iyo u dhameystirada baahiyaha Asaasiga ah sida Ceelbiyoodka Xarunta.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Qeybta Taliska Ciidanka, Xafiisyada Saraakiisha iyo Howlwadeenada oo si casri ah loo dhisay, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Masuuliyiinta Shirkada dhismaha ee KEBARCO oo dhisaysa xaruntan.

Xarunta Taliska Ciidanka Daraawiishta ee 54-aad oo aheyd halkii lagu aasaasay Dowladda Puntland 1998, waa markii ugu horeysay ee Hab casri ah oo horumarsan loo dhisayo, iyadoo la fulinayo Siyaasadda Madaxweynaha Dowladda Puntland ee ku dhisan tayeynta Ciidamada iyo Barahooda hoggaamineed iyo Guud ahaan Xafiisyada Hay’adaha Dowladda.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online