Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland

January 17, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Madaxweynaha ayaa Kula dardaarmay Ciidanka la tababaray in ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta aqoonta la baray oo dalkooda iyo dadkooda ugu adeega sida ugu wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa Hadaljeedintiisa kaga hadlay howlgalada Dalka looga xoreynayo Argagixisada, isagoo u boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee la gaaray sida xoreynta Degmada Xarardheere , wuxuuna Hambalyo u diray Dowladda Galmudug, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Cadowga.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iftiimiyey hannaanka Dowladu u wajahday qodobadda Dastuuriga ee ay Puntland ku diiday in ay saxiixdo Heshiiskii Muqdisho, oo ay ugu horeyso Guddiga loo saaray si ay u diyaariyaan wada xaajoodka Arrimaha Federaalaynta Dalka.

Maadaama ay ka socoto Gobollada Bari, Gardafuu iyo Karkaar, isdiiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashada Goleyaasha Deegaanka, Madaxweynuhu wuxuu boggaadiyay Shaqada Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka, Ciidanka Amniga , Ururada Siyaasadda iyo ka qeybgalka diiwaangelinta ee Bulshada saddexdaasi Gobol, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobollada kale ee Puntland in ay iyana isu diyaariyaan Isdiiwaangelinta.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online