Xubinta Shanaad ee Aqalka Sare u matalaya Puntland oo la doortay Cabdisalaan Xaaji Maxamuud
October 20, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa codaynta xubnaha aqalka sare u matali doona dowladda Puntland waxaan ilaa hadda ku soo baxay xubno in mudo ah k soo jira siyaasada Soomaaliya. ilaa hadda waxaa tartanka xubinimada Aqalka sare looga adkaaday Cali Ismail Giir oo ah siyaasi rug cadaa ah oo in mudo ku oo dhex jiray siyaasada soomaaliya guud ahaan ama gaar ahaan Puntland waxaan uu ka mid ahaa raggii wax ka yagleelay dhismaha Puntland 1998-dii.
1. Ra’isul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guulaysatay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo helay 47 cod halka aamnino Aadan ay heshay 17 cod.
2. Madaxweynihi hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sh Maxamuud Faroole oo helay 59 cod kana guulaystay Cabdi Mahad oo isna heley 5 Cod.
3. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile) oo Helay 33-Cod iyo Hodan ismaaciil Cilmi Oo Iyaduna Heshay 32-Cod.
4.Farxaan Cali Xaseen, oo Helay 35-Cod kana guulaystay Cali ismail Cabdi Giir oo heley 29- Cod
5.Cabdisalaan xaaji maxamud Dheere ayaa ku guulaysatay xubinnimadda Aqalka Sare ee Booska Shanaad, ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo 40-cod helay halka Jaamac Cawad Jaamac helay -25- Cod kaliya
Waxaa dhawaan loo tartamayaa xubinta 6aad ee Aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoo Xildhibaanada golaha wakiilada ee dowladda Puntland ay salaad ka dib ay sku soo laaban doonaa lana bilaabi doono codaynta xubnaha dhiman Aqalka sare u meteli lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya
M_M_Deeq
Halgan.net