Culimadda Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray nin aflagaadeeyey Nabi Maxamed NNKH.[Video]
September 19, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay farin wareed ka soo saartay nin ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ninkaas oo u gafay Nabi Maxamed NNKH. Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu mahad u jediyey maamulka Gal-Mudug oo amray in ninkas la soo qabto waxaan uu Sheekhu iyo culimada kaleba ay xuseen in ninkaas uu ka baxay diinta Islaamka ka dib markii si bareer ah u aflagaadeeyey.Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad aya ugu baqay culimada ,odayasha dhaqanka ,bulshada Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan ninkaas isagoona ugu baaqay dhalinyarad uu duufsaday in ay alle u soo noqdaan.
Hoos ka eeg fariin qoraaledka ay soo saareen Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed
no images were found
Hoos ka Daawo bayaanka culimada oo uu Akhrinayo gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed
A/cawaale
Halgan.net